Podcast charts
Published by Dawan Media
rmaan Podcast by Dawan Media is a business and entrepreneurship show spotlighting the builders, innovators, founders, and CEOs shaping Somalia’s economic future. Each episode features a candid conversation with leaders behind some of the most successful Somali companies — from fintech pioneers and logistics disruptors to retail giants, agribusiness visionaries, healthcare innovators, media entrepreneurs, and technology startups. The show dives deep into how great Somali companies are built — the early struggles, bold risks, turning points, and lessons behind growth and resilience. We explore funding journeys, leadership decisions, corporate culture, product innovation, customer challenges, and strategic execution in one of the world’s most dynamic emerging markets. Irmaan tells real stories of Somali entrepreneurship — the wins, the failures, the persistence — offering practical insights, inspiration, and a playbook for the next generation of founders. Produced by Dawan Media, Mogadishu.
On the charts
Every published chart this podcast appears in, in the snapshot behind this page. Each one links to the chart it came off.
From the feed
The latest episodes published to this podcast’s own RSS feed. Titles and descriptions are the publisher’s.
Sidee ayuu Cumar Fiqi uga soo gudbay ganacsiga una galay siyaasadda, maxaase uu dalka ka beddeli karaa haddii uu madaxweyne noqdo? Qaybtan Irmaan Podcast, Musharrax Madaxweyne Cumar Fiqi wuxuu kaga hadlayaa safarkiisa nololeed iyo ganacsi—laga soo bilaabo dib ugu soo laabashadiisii dalka iyo aasaaskii Human Care Diagnostics, keenistii bajaajtii ugu horreysay ee Muqdisho, dhismaha shirkadda Ogsajiin iyo kaalintii uu ku lahaa sifeynta biyaha nadiifka ah. Waxa kale oo uu sharxayaa sababta uu ganacsiga uga soo wareegay siyaasadda, waxa uu kaga duwan yahay musharraxiinta kale iyo muddada uu aaminsan yahay in lagu hirgelin karo isbeddel muuqda oo dalka ka dhaca. Time Code: 00:00 Hordhac 02:29 ka hor Ganacsiga kumu ahaa Musharax Fiqi 03:26 dib ugu soo laabashii dalka iyo bilowgga Human Care Diagnostics 07:47 Caqabadihii ugu adkaa ee shirkadda Human Care Diagnostics ay soo martay 11:20 Bajaajti ugu horeysay ee Muqdisho la keeno 17:58 Sameynta shirkadda Ogsajiin ee dalka iyo caqabadaha warshadeynta 29:06 Sidee Musharax Fiqi ugu qeyb qaatay shrikadda sifeynta biyaha nadiifka ah 31:34 Ganacsiga ilaa Siyaasadda sidee Cumar Fiqi ugu kala wareegay? 39:01 maxuu musharax Fiqi ugu duwan yahay musharaxiinta kale 43:30 Sanadaha uu u baahan yahay Musharax Fiqi isbedelka dalka 48:00 Gabagabo Barnaamijka: Irmaan Podcast Martida: Musharrax Madaxweyne Cumar Fiqi Martigeliyaha: Abdullahi Salad Soo saarista: Dawan Media #IrmaanPodcast #CumarFiqi #DawanMedia #DawanTV #Ganacsi #Siyaasad #Soomaaliya
Sidee ku bilaabatay Banaadiri Coffee, maxaase ka dambeeyay caqabadihii waaweynaa ee ay la kulmeen markii ay dib u bilaabayeen ganacsiga bunka Soomaaliya? ☕🇸🇴 Qeybtan Irmaan Podcast, waxaa marti ku ahaay Ibraahim Ali Shido, Maamulaha Banaadiri Coffee, oo si faahfaahsan uga sheekeynaya bilowgii Banaadiri Coffee, konteenarkii bunka ee caqabadda galay, “dagaalkii bunka”, tababarka baristayaasha, shaqo-abuurka dhalinyarada iyo mustaqbalka coffee-ga Soomaaliya. Waxaad sidoo kale ku ogaan doontaa sida Banaadiri Coffee u xulato coffee-ga, noocyada kala duwan ee bunka, xirfadda barista iyo su’aasha weyn: Soomaaliya coffee ma lagu beeri karaa? Time Codes 00:00 – Hordhac 01:56 – Bilowga Banaadiri Coffee 06:52 – Dib ugu soo laabashadii dalka ee Banaadiri Coffee 10:15 – Maxaa ku dhacay konteenarkii bunka ee ay keeneen bilowgii? 15:38 – Furitaanka xarunta tababarka Barista 20:16 – Dagaalkii Bunka ee lagu guuleystay 23:00 – Xarunta tababarka Banaadiri Coffee iyo xalka shaqo la’aanta 29:09 – Sidee Banaadiri Coffee u xushaan coffee-ga? 35:15 – Noocyada Coffee-ga iyo awooddiisa 37:00 – Mustaqbalka Banaadiri Coffee 42:26 – Qiimaha barashada Coffee sameynta 48:36 – Soomaaliya Coffee ma lagu beeri karaa? Haddii aad xiiseyneyso ganacsiga, coffee-ga, shaqo-abuurka dhalinyarada iyo fursadaha cusub ee Soomaaliya, wareysigan ha moogaan.
Shaqaale iyo loo-shaqeeye—yaa qaldan marka uu khilaaf yimaado? Qaybtan Irmaan Podcast waxaan ku martiqaadnay Maxamed Jibriil, oo ah lataliye ganacsi la shaqeeya shirkado Soomaaliyeed. Waxaan si qoto dheer uga wada hadalnay xaaladda shaqo la’aanta Soomaaliya, caqabadaha u dhexeeya shaqaalaha iyo loo-shaqeeyayaasha, xuquuqda shaqaalaha iyo sababaha keena in shaqaaluhu shaqada ka tagaan. Maxamed Jibriil wuxuu sidoo kale sharxayaa halka ay salka ku hayso shaqo la’aanta dhalinyarada Soomaaliyeed, muhiimadda tababarka shaqaalaha iyo tallaabooyinka ay tahay inay qaadaan shirkadaha iyo shaqaaluhuba si loo helo jawi shaqo oo wanaagsan. Timecode: 00:00 Hordhac 01:30 Xaaladda shaqada la’aanta Soomaaliyeed 02:40 Mushkiladda Shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha 09:45 Shaqa la’aanta dhalinyarada Soomaaliyeed 11:48 Sharciga Shaqaalaha 16:34 yaa qaldan shaqaalaha iyo milkiilaha marka ay timaado shaqa ka tagis? 26:45 maxaa asal u ah shaqa la’aanta? 29:12 Shaqada Baariistanimada iyo Soomaalida 33:34 Fariinta Maxamed Jibriil ee shaqaalaha iyo shirkadaha Daawo wareysiga oo dhammeystiran, kadibna nala wadaag aragtidaada:
Beeraha Soomaaliya waxay soo mareen marxalado kala duwan—laga soo bilaabo xilligii gumeysiga, dowladdii rayidka, kacaankii, burburkii dowladdii dhexe ilaa maanta. Qeybtan cusub ee Irmaan Podcast, Cabdullaahi Salad waxaa marti u ah Maxamed Abiikar Axmed, Guddoomiyaha Ururka Qaranka Iskaashatooyinka Beeraha Soomaaliya. Waxyaabaha laga hadlay waxaa ka mid ah: Taariikhda beeraha Soomaaliya Doorkii Talyaaniga iyo gumeysiga Beerihii dowladdii rayidka iyo kacaankii Dhoofintii mooska Soomaaliya Dagaalkii Mooska Sababaha hoos u dhaca wax-soo-saarka Xaaladda maanta ee beeraha iyo dhoofinta Doorka iskaashatooyinka Sababta bangiyadu u maalgelin waayeen beeraha Qalabka beeraha iyo taageerada dowladda Sida Soomaaliya u gaari karto isku filnaansho cunto Qaybaha muuqaalka: 00:00 Hordhac 02:02 Taariikhdiisa waxbarasho iyo shaqo 11:08 Beeraha Soomaaliya ka hor gumeysiga 13:53 Xilligii gumeysiga Talyaaniga 19:00 Dowladdii Rayidka iyo beeraha 21:22 Kacaankii iyo horumarinta beeraha 33:20 La wareegidda hantidii ajaanibta 41:44 Korontada iyo horumarka beeraha 44:12 Mooska Soomaaliya iyo burburkii dowladdii Militariga 48:58 Dagaalkii Mooska Soomaaliya 51:14 Wax-soo-saarka iyo dhoofinta wixii ka dambeeyay 2000 1:10:38 Xaaladda maanta ee mooska iyo waxyaabaha la dhoofiyo 1:13:50 Doorka iskaashatooyinka 1:17:02 Bangiyada iyo maalgelinta beeraha 1:21:22 Qalabka beeraha ee dowladda keentay 1:26:45 Sidee loo gaari karaa isku filnaansho cunto?
Wareysi Xiisa leh oo Dr. Ciise Guuleed kala hadlayo sheekooyin badan oo dadku isweydiin jireen—yaa lahaa doorka Domain-ka .SO? Maxaa ka jira 11 bilyan? Maxaa dhex maray isaga iyo Farmaajo? Sidee ayuu ku galay HP? AI-se ma beddeli kartaa mustaqbalka Soomaaliya? Wareysigan waxaad ku ogaan doontaa taariikh, sirar, khibrad caalami ah, siyaasadda Soomaaliya, data, AI, Eurosom, iyo sababta tiknoolajiyaddu muhiim ugu tahay jiilka cusub. 🔔 Haddii aad ka heshid barnaamijkan, fadlan SUBSCRIBE dheh, LIKE-na saar, si aad u heshid wareysiyada dambe ee muhiimka ah! Timecode: 00:00 hordhac 02:10 Taariikhda Ciisa Guuleed iyo Domain-ka .so 12:48 Sameystee Sophia iyo Doorkii Ciise Guuleed, ku biiristii HP 18:20 11bilyan maxaa ka soo gaaray Ciise? 24:20 HP ka dib intee ayuu aaday? 27:11 Domain-ka .so sidee ayuu ku wareejiyay? 31:38 maxaa dhex maray Cise iyo Farmaajo? 50:54 Eurosom iyo safarkii Muqdisho ay ku timid 58:05 sidee loo soo dhaweeyay Shirkadda? 1:02:00 Qabyaaladda malagu xalin karaa AI? 1:05:58 Barashada AI ee siyaasiyiinta 1:08:27 caqabadaha ay suuqa kala kulantay Eurosom 1:13:44 ilaa intee ayay Eurosom Data hayn kartaa? 1:18:33 meeqa meel ayay data ku haayaan? 1:22:10 Maxaa ku dhaliyay in ay dadka baraan AI iyo Tiknoolajiyadda? 1:26:00 Gabagabo #CiiseGuuleed #Somalia #DotSO #AI #Farmaajo #HP #Eurosom #SomaliPodcast #Tiknoolajiyad
Dilek Somalia sidee ayay ku timid? Maxay kala kulmeen bilowgii dhismaha shirkadda? Sidee ayay maanta u shaqeysaa, shaqaalahana u qaadataa? Su’aalahan iyo kuwo kale oo badan waxaa Irmaan Podcast uga jawaabaysa Naciima Faarax Cabdi. 📌 Qodobada ugu Muhiimsan ee Wareysiga: • Bilowgii iyo aasaaskii Dilek Somalia • Caqabadihii ugu adkaa ee ay soo mareen • Habka ay shaqaalaha u qaataan • Isbeddelka suuqa shaqada • Waxyaabihii ay ka barteen safarka Dilek Somalia • Af-Turki iyo doorkiisa Dilek Somalia • Sheekada xiisaha leh ee “Mooska” ee Dilek Somalia 🔔 Haddii aad ka heshid barnaamijkan, fadlan SUBSCRIBE dheh, LIKE-na saar, si aad u heshid wareysiyada dambe ee muhiimka ah! #DilekSomalia #IrmaanPodcast #NaciimaFaraxCabdi #DawanTV #ShaqooyinkaSomalia #GanacsigaSomalia #PodcastSomali Time code 00:00 hordhac 01:08 Dilek Somalia sidee ayay ku timid? 06:18 Maxay kala kulmeen bilowga dhismaha Dilek Somalia? 08:15 Caqabadi ugu adkeed inta ay Dilek Somalia 10:30 Sidee Dilek Somalia hadda u shaqeysaa? 14:20 Sidee Dilek Somalia Shaqaalaha u qaadataa? 18:23 Suuqa shaqada maxuu ka badalay? 20:00 Dilek Somalia Maxaa lagu bartay? 23:24 Af Turki malooga hadlaa Dilek Somalia? 25:18 Sheekada Mooska ee Dilek Somalia 29:25 Gabagabo
Podcast-kan Irmaan waxaan ku falanqeyneynaa mustaqbalka Shilinka Soomaaliga, sababaha keenay in Soomaalidu si weyn u isticmaasho Doolarka, iyo doorka Mobile Money-ga ee dhaqaalaha Soomaaliya. Martida: Dr. Cabaas Cumar Maxamed waxaa daadihinaya Cabdullaahi Salaad oo ka tirsan Dawan Media. Martidu waxay sharxeysaa waxa lacag qiimo u yeela, kalsoonida bulshada, taariikhda Shilinka Soomaaliga, burburkii lacagta kadib dowladnimadii, iyo su’aasha weyn ee ah: Soomaaliya ma soo celin kartaa lacagteeda? Waxaan sidoo kale ka hadlaynaa doorka Bangiga Dhexe, caqabadaha daabacaadda Shilin cusub, Dollarization-ka, sicir-bararka, iyo sida dib-u-habeyn dhaqaale oo taxaddar leh loogu baahan yahay. Chapters: Waa maxay lacag? Taariikhda Shilinka Soomaaliga Maxaa keenay isticmaalka Doolarka? Mobile Money Doorka Bangiga Dhexe Dollarization iyo dhaqaalaha Soo celinta lacagta dalka #Somalia #SomaliShilling #MobileMoney #Dollarization #BangigaDhexe #IrmaanPodcast #DawanMedia 00:00 Hordhac: Shilinka Soomaaliga ma soo noqon karaa? 01:28 Martida podcast-ka: Dr. Cabaas Cumar Maxamed 02:55 Cilmi-baarista dhaqaalaha iyo dowladaha dhaqaalahoodu liito 04:22 Lacagtu maxay qabataa? 05:50 Shilinka Soomaaliga iyo qiimeyntiisa maanta 07:18 Dhibaatada isticmaalka Shilinka ee ganacsiga waaweyn 08:45 Lacagaha duugga ah iyo kuwa been-abuurka ah 10:13 Xilligii Shilinka Soomaaliga xoogga lahaa 11:41 Sababihii qiima-dhaca Shilinka 13:08 Lacagta iyo madax-bannaanida dhaqaale 14:36 Doolarka iyo xasilloonida ganacsiga Soomaaliya 16:04 Suuqa iyo isbeddelka sarifka 17:31 Saameynta Doolarka ee dadka danyarta ah 18:59 Doolarka iyo sicir-bararka gudaha 20:27 Mobile Money iyo isbeddelka dhaqaalaha 21:54 Sidee Mobile Money u fududeeyey nolosha? 23:22 Shirkadaha Mobile Money-ga iyo kalsoonida bulshada 24:49 Lacagta digital-ka ah iyo isticmaalka maalinlaha ah 26:17 Shilin cusub ma lagu shaqeyn karaa? 27:45 Kalsoonida bulshada iyo lacag cusub 29:12 Doorka dowladda ee soo celinta lacagta 30:40 Maxaa loo baahan yahay ka hor Shilin cusub? 32:07 Bangiga Dhexe iyo awooddiisa dhaqaale 33:35 Kormeerka bangiyada iyo nidaamka maaliyadeed 35:02 Lacag daabacid ma ku filan tahay? 36:30 Bangiga Dhexe iyo shaqooyinka casriga ah 37:57 Commercial banks iyo Central Bank 39:26 Qiimaha lacagta iyo tartanka ganacsiga 40:54 Immisa Shilin ayaa Soomaaliya u baahan kartaa? 42:22 Tallaabooyinka lagu soo celin karo Shilinka 43:49 Financial infrastructure-ka Soomaaliya 45:17 Doolarka iyo siyaasadda dhaqaalaha dowladda 46:45 Canshuuraha, Mobile Money iyo maamulka dowladda 48:12 National Transformation Plan iyo lacagta dalka 49:40 Dhaqaalaha dunida iyo saameynta isbeddellada 51:08 Sicir-bararka iyo qiima-dhaca lacagta 52:35 Sicir-barar xad-dhaaf ah maxaa keena? 54:03 Talooyinka dowladda iyo ganacsatada 55:31 Muwaadinimada iyo soo celinta lacagta dalka 56:58 Gunaanad: Bangiga Dhexe iyo caqabadaha harsan
Yaa iska leh New Muqdisho? Maxuu yahay Mashruuca Muqdishada Cusub? Sidee ayuu u shaqeyn doonaa maalgelintiisu, maxaase doorka Bangiyada Soomaaliya ku jira? Qeybtaan Irmaan Podcast, waxaan ku wareysaneynaa Abdirahmaan Ali, oo si faahfaahsan uga hadlay fikradda New Muqdisho, xaaladda Bangiyada Soomaaliya, Mobile Money, maalgelinta mashaariicda, caqabadaha dhismaha, shaqo la’aanta dhalinyarada, iyo sida mashruucan uu qeyb uga noqon karo isbeddel dhaqaale iyo mid magaalo oo ka dhaca Soomaaliya. Wareysigan wuxuu sidoo kale iftiiminayaa su’aalo muhiim ah oo ay dad badan is weydiinayaan: Yaa iska leh New Muqdisho? Sidee loo maalgelinayaa? Imisa ayuu yahay halka share? Maxaa caqabad ku noqon kara mashruuca? Bangiyada Soomaaliya heerkee ayay maanta marayaan? Mobile Money faa’iido ma yahay mise caqabad? Mashruucan ma abuuri karaa shaqooyin cusub? Daawo wareysiga oo dhan si aad u fahanto fursadaha, caqabadaha iyo mustaqbalka Mashruuca Muqdishada Cusub. Timecodes 00:00 Hordhac 02:00 Taariikhda Abdirahmaan Ali 03:15 Xaalka Bangiyada Soomaaliya 10:15 Heerka Bank-yada Soomaaliya halkee ayuu marayaa? 14:38 Mobile Money: dhibaato miyaa mise faa’iido? 25:15 Maxaa keena in lacagta cash-ka la isticmaalo? 30:27 Maalgelinta Bank-yada ee mashaariicda 36:02 Maxaa waaye fikradda New Muqdisho? 49:44 Yaa la tartamaya New Muqdisho? 53:03 Sidee ayay u kala horeeyaan dhismaha mashaariicda? 1:02:00 Xalka iyo caqabadaha maalgelinta isbeddelka cimilada 1:13:34 New Muqdisho iyo xalka shaqo la’aanta Soomaaliya 1:24:40 Farqiga lacagta dhismaha iyo faa’iidada 1:32:04 Imisa waaye halka share? Iyo maalgelinta 1:45:57 Caqabadaha Mashruuca New Muqdisho 1:57:07 Maxay ka baqaan dadka Soomaaliyeed? 2:02:55 Maxaa iska beddelay filashada fikraddiisa? 2:06:13 Gabagabo
Xalqadan Irmaan Podcast , waxaan ku martigelinay Maxamed Cabdi Maxamed “M.Takaful” , oo ka mid ah dadka ugu horreeyay ee dadaal weyn ku bixiyay hirgelinta iyo fahamsiinta fikradda caymiska Soomaaliya . Maxamed Takaful wuxuu ka sheekeynayaa safarkiisa shaqo iyo ganacsi, laga soo bilaabo ganacsigii dahabka iyo dharka, maqaayad uu ka bilaabay nolol ganacsi, ilaa fikirkii caymiska oo markii hore la kulmay caqabado badan balse markii dambe dib loo bilaabay. Wareysigan wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa sida ay ku timid fikradda caymiska, sababihii fashiliyay bilowgii hore, dib-u-dhiska fikradda, sameynta sharciga caymiska dalka, iyo caqabadihii sharci, bulsho iyo ganacsi ee hortaagnaa in caymis rasmi ah ka hanaqaado Soomaaliya. Xalqaddu waxay sidoo kale taabaneysaa xiriirkii uu la yeeshay shirkaddii ugu horreysay, sameynta sharciga Islaamiga ah ee caymiska Soomaaliya, iyo waqtiyadii adkaa ee shirkadda soo martay. Daawo wareysi xiiso leh oo ku saabsan ganacsi, hal-abuur, caymis, sharci, adkeysi iyo mustaqbalka adeegyada maaliyadeed ee Soomaaliya . Chapters / Timestamps 00:00 Hordhac 02:16 Taariikh nololeedkiisa shaqo iyo ganacsi 12:40 Ganacsigii dahabka iyo dharka 15:01 Ganacsigii maqaayadda ee laga soo beddelay pop-ka 18:30 Maxay ku timid fikradda caymiska? 22:20 Bilowgii fikradda caymiska maxaa fashiliyay? 24:05 Dib-u-bilowgii fikradda caymiska 28:33 Bilowga sharciga caymiska dalka 33:50 Shirkaddii ugu horreysay ee uu xiriir la yeeshay 43:46 Sameynta sharciga Islaamiga ah ee caymiska Soomaaliya 52:17 Caqabadihii sharciga caymiska hortaagnaa sanadaha badan 59:09 Waqtiyadii adkaa ee shirkaddu soo martay 1:05:58 Fariinta Caymiska Maxamed M.Takaful 1:12:51 Qaaraanka iyo caymiska 1:14:45 Gabagabo
Ranking source
Apple Podcasts rankings via the Mato Topic Intelligence Platform.
Observed November 4, 2026.
Apple and Apple Podcasts are trademarks of Apple Inc., registered in the U.S. and other countries.
Pairs with
Bring this source into Mato to read its transferable patterns, then turn them into an original show for your own audience.